Gudoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuleed iyo la taliyaha gudida qandaraasyada mudane Xasan Maxamed Askar ayaa..

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed iyo Lataliyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Xasan Maxamed Askar ayaa maanta kulmay madaxda iyo maamulka Hay’adda Qandaraasyada ee Uganda oo magaceeda la dhaho Public Procurement and Disposal of Assets Authority (PPDA). Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii labada Hay’addood iskaashi dhow u wada yeelan lahaayeen, iska na caawin lahaayeen dhanka aqoonta iyo horrumarinta dhismaha Hay’adda Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland. 
 
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday waji wanaagsan waxa aanna Guddoomiyaha iyo lataliyuhu sii wadan doonaan labada cisho kulamada masuuliyiinta PPDA iyo Hay’addaha kale ee ay wada shaqeeyaan.