Safarkii gudoomiyaha oo kusoo dhammaaday guul iyo...

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Lataliyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo week gii u danbeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka Uganda ayaa maanta Khamiistii shalay soo gebogabeeyey safarkoodii. 
 
Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa kulamo la yeeshay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo kala socda Wasaaradda iyo Hay’addo kala duwan ee Uganda sida Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Qandaraasyada, Xarunta Xalinta Khilaafaadka, Hay’adda Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Uganda iyo Xafiiska Hirgelinta Mashruuca e-government procurement. 
 
Guddoomiyaha ayaa safarkiisu ku soo dhammaaday guul u soo hoyatay Hay’adda Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo xidhiidh la xidhiidha isbedelada iyo reforms Guddida Qandaraasyada Qaranka ku hawlan tahay kala shaqeyn doonna dhigooda iyo xafiisyada ay khuseyso ee Dawladda Uganda. 
 
Guddoomiyaha ayaa u mahadnaqay Agaasimaha Hay’adda Qandaraasyada Uganda oo casuumada iyo abaabulka shirarka Guddoomiyaha uu la yeeshay Hay’adda kala duwan ee dalka Uganda si maamuus leh uga shaqeeyey. 
 
Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Hay’adda Qandaraasyada Uganda ayaa dhammaadkii kulanka isla meel dhigay hindisaha iyo qorshaha shaqada ay labada Hay’addood wada qabanayaan taas oo bilaabi doonta waji cusub oo wada shaqeyneed. 
 
Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka