Xidhitaanka Wajiga 1aad ee Tababarka Qandaraas Bixinta, Waxa aan habeenkii xalay ahaa soo gebogebeynay ‘’Tababarka Qandaraas Bixinta Qaranka’’, kaas oo wajiga 1aad ee Tababarka ay dhammeysteen qaar ka

Xidhitaanka Wajiga 1aad ee Tababarka Qandaraas Bixinta,
Waxa aan habeenkii xalay ahaa soo gebogebeynay ‘’Tababarka Qandaraas Bixinta Qaranka’’, kaas oo wajiga 1aad ee Tababarka ay dhammeysteen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha iyo shaqaalaha Hay’adda Qandaraasyada Qaranka.
Xafladda Xidhitaanka Tababarka oo ka qabsoontay Hudheelka Dhoolayare, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka, Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (CSI), qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiilada, Agaasimahii horre ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Shaqaaleweynaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Marti Sharaf kale.
Madaxda iyo Masuuliyiinta ka soo qaybgalay ayaa dhammaantood u hambalyeeyey shaqaalaha dhammeystirtay Xirfadaha Qandaraas Bixinta kulana dardaarmay in ay sii joogteeyaan korodhsiga aqoonta la xidhiidha Qandaraas Bixinta qaranka maddaama oo ay shaqada qandaraas bixintu aqoon la koraysa wacyiga, Dhaqaalaha iyo Nolosha muwaadiniinta reer Somaliland ee loo adeegayo.
Tababarkan ayaa Wajiga 2aad waxaa qaadan doonna Lix (6) Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha ugu shaqada badan, uguna qandaraas lahaanshaha badan Dawladda. Wajigan xiga ayaa la bilaabi doonnaa Haddii Alle ka dhigo, horraanta sannadka 2023.
Guddida Qandaraasyada Qaranku waxa ay sidoo kale dhammeystirtay dhammaan qorshayaashii lagu tayeyn lahaa, lagu na daadejin lahaa qandaraas bixinta qaranka oo uu ka mid yahay:
⇒ Qorshaha iyo Manhajka Tababarka (Curriculum and Training Plan)
⇒ Qorshaha Hirgelinta iyo Daadejinta Qandaraas Bixinta (Implementation and Decentralisation of Public Procurement).
⇒ Qorshaha iyo Habraaca Maamulka Qandaraas Bixinta ee Dawladaha Hoose (Local Government Public Procurement Procedures).
Guddida Qandaraasyada ayaa sidoo kale qorsheysay islamarkaanna dhammeystirtay dhammaan aqoontii iyo koorasyadii (courses and qualifications requirements) ay dhammaan shaqaalaha ‘’Faracyada Qandaraas Bixinta ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda’’ ay ku qaadan lahaayeen aqoonta sare (Diploma iyo Degree), taas oo aannu si dhow uga wada shaqeyneynno Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (CSI). Qorshahan ayaa sidoo kale, waxaa qayb ka noqon doonna Institutions (Machado) kale oo dalka dibadiisa ah oo na ga caawin doonna dhammeystirka aqoonta sare ee qandaraas bixinta.
--
Xafiiska Warbaahinta