Baahin 9 Mashruuc oo Laga Fulinayo Gobolka Badhan

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo Cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan dhismayaal kala duwan oo loo dhisayo Dawladda, waana sidan dhismayaasha iyo Goobaha laga hirgalinayo

S/N Nooca Dhismaha Faah-faahinta Dhismaha
1 Dhisme lagu kordhinayo Cisibitaalka Dhahar Laba Waadh iyo Musqulo
2 Dayactir iyo Dhisme cusub oo lagu kordhinayo Dugsiga sare ee Baraagaha Qol Dayactir iyo dhismaha dayr wayn
3 Dhismaha MSH-ka Cawsane MSH
4 Wadada Geel doora Banayn iyo Balaadhin 50 Km geed la rifay Ilaa Laas-Qoray
5 Dhismaha Sariibada Badhan Sariibad
6 Dhismaha Cisibitaalka iyo Hool lagu darayo Xiin Galool Dhisme Cusub
7 Dhismaha Cisibitaalka iyo Laba fasal oo laga dhisayo Ceel Buux Dhisme Cusub
8 Dhismaha Sariibada Yube Sariibad
9 Dhismaha Rug Boolis ee Raad Rug Boolis

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaska dhismayaasha uu furmaayo 28/07/2019 isla markaana uu xidhmayo 01/08/2019 maalinta Khamiista ah saacadu markay tahay 12:00Am, waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismayaasha kala duwan, 03/08/2019, Maalinta sabtida ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismayaashaas kala duwan iyo Baabuurtaba hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka