Furitaanka Hal Mashruuc
Hargeysa [17-Nov-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.Mashruucaas oo ahaa Qandaraas Raashin kala duwan oo loo doonayay Hay'ada NADFORD.
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 7 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, iyo Xubnaha Guddida.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane cabdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkadaha ku soo tartamay Mashruucan. sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta Arbacada 19-Nov-2025.
Allaa Mahad Leh.
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka
