Furitaanka Hal Mashruuc
Hargeysa [25-Nov-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.Mashruucaas oo ahaa Qandaraaska Timirta Afurta ciidamada qaranka.
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 15 shirkadood. Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Gudoomiye Ku-xigeenka GQQ, Agaasimaha Guud ee GQQ,
iyo Xubnaha Guddida.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane cabdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkadaha ku soo tartamay Mashruucan. sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta khamiista 27-Nov-2025.
Allaa Mahad Leh.
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka.
