Go'aan Mashruuc
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Abdoo Axmed Aayir, ayaa maanta oo ay bishu tahay 19-Nov-2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Isniinta, 17-Nov-2025.⇒ Mashruucaas oo ahaa Qandaraaska Raashin kala duwan oo loo doonayay Hay'ada NADFORD.
Mashruucan waxa ku tartamay 7 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 3 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta, waxa ku guulaystay shirkada.
1. NASIYE STORES AND WHOLESALER.
Alla Mahad Leh
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka
