Go'aan Mashruuc
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Abdoo Axmed Aayir, ayaa maanta oo ay bishu tahay 29-Nov-2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Salaasada, 25-Nov-2025.⇒ Mashruucaas oo ahaa Qandaraaska Timirta Afurta Ciidamada qaranka.
Mashruucan waxa ku tartamay 15 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 4 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta, waxa ku guulaystay shirkada.
1. HASSAN KAARSHE TRADING.
Alla Mahad Leh
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka
