Go'aan Mashruuc

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane IbrahimDucale Cawke, ayaa maanta oo ay bishu tahay October 19, 2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa isla maanta, Mashruucan waxa uu ahaa:
⇒ Qandaraaska dhisme lagu kordhinaayo Cusbitaalka Maanka Hargeysa.
Mashruucan waxa ku tartamay 14 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 5 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta waxa ku guulaysatay:

1. Shaac construction.

Alla Mahad Leh
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka