Baahin Qandaraas: 01 June 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan Ganacsatada Dalka ama ku iibiya qalabka Technology-ga in Guddida Qandaraasyada Qaranku uu baahinayo Qalabka Technology ah oo loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan Ganacsatada dalka inuu Qandaraaska Qalabka Technology-ga uu xidhmayo Barito 02/06/2019 maalinta Axada ah saacadu markay tahay 08:30Am, waxaana la furi doonaa Qandaraaska Qalabka Technology-ga ee loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska isla Barito, 02/06/2019, Maalinta Axada ah Saacadu markay tahay 11:00Am, waxaana lagu furi doonaa Qandaraaska Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaraka, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Qalabkaas faah-faahintiisa hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka