Baahin Qandaraas: 05 September 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo Cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan 2 mashruuc oo dhisma ah oo loo dhisayo Dawladda Faah-faahinta dhismayaashuna waa sidan hoos ku qoran.

S/N Nooca Dhismaha Faah-faahinta Dhismaha
1 Dhismaha Jeelka Mijo Caseeye Dhisme cusub oo lagu kordhinayo
2 Dhismaha Jeelka Gabiley Dhisme cusub iyo Dayactir lagu kordhinayo

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu qandaraaskan kor kusani furmaayo 05/09/2019 isla markaana uu xidhmayo 10/09/2019 maalinta Salaasada ah saacadu markay tahay 12:00am. Waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismayaasha 11/09/2019, Maalinta Arbacada ah Saacadu markay tahay 10:00am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyadda Qaranka.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismayaashaas kala duwan hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka