BAAHIN QANDARAAS: 17 JUNE 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha in Guddida Qandaraasyada Qaranku uu baahinayo dhismaha Gidaarka Jeelka Mandheera.

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 17 June 2019, Maalin Isniin ah, kuna eegyahay 24 June 2019 Maalin Sabti ah Saacadu markay tahay 10:00am.

Waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismaha Gidaarka Jeelka Mandheera, 25/06/2019, Maalinta Salaasada ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaraka, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismahaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.