Baahin Qandaraas: 18 April 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ganacsata Raashinka iibisa iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan Raashin loo doonayo Hayadda U Diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, faah-faahinta Qandaraaska Raashinkuna waa sidan hoos ku qoran.

S/N FAAH-FAAHINTA NOOCA RAASHINKA LOO DOONAYO Hayadda NADFORD.
1 Sonkor
2 Bariis
3 Daqiiq
4 Saliid

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 18 April 2019, Maalin Axad ah, kuna eegyahay 24 April 2019 Maalin Arbacaa.

waxaana la furi doonaa qandaraaska Rashinka Hayadda NADFORD 25 April 2019 10:00 AM subaxnimo maalinta khamiista ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka