Baahin Qandaraas 22 July 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ganacsata Raashinka iibisa usoo ban dhigayaan Raashin loo doonayo Hayadda U Diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, faah-faahinta Qandaraaska Raashinkuna waa sidan hoos ku qoran

S/N FAAH-FAAHINTA NOOCA RAASHINKA LOO DOONAYO HAY’ADDA U DIYAAR GARAWGA AAFOOYINKA IYO KAYDKA RAASHINKA QARANKA.
1 Sonkor
2 Bariis
3 Daqiiq
4 Saliid

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu qandaraaska Raashinka loo doonayo Hay’adda U Diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranku uu furmaayo 22/07/2019 isla markaana uu xidhmayo 28/07/2019 Maalinta Axada ah saacadu markay tahay 12:00 Am, waxaana la furi doonaa qandaraaska Rashinka Hayadda NADFORD 29/07/2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Isniinta ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismayaashaas kala duwan iyo Baabuurtaba hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka