Baahin Qandaraas: 22 October 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo shirkadaha Iibiya Qalabka iyo cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan 3 mashruuc oo dhisme iyo Qalab ah oo loo doonayo Dawladda Faah-faahinta dhismaha iyo Qalabkuna waa sidan hoos ku qoran.

S/N Nooca Dhismaha Faah-faahinta Dhismaha & Qalabka
1 Dhismaha Garoonka kubada Cagta Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag Dhisme Cusub
2 Dayactirka iyo Qurxin lagu samaynayo xafiiska Badhasaabka Gobolka M/Jeex Dayactir iyo Qurxin
3 Qalab Loo doonayo Wasaaradda Macdanta Qalab

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismaha iyo Qalabka hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala Guriga Shaqaalaha Dhexdiisa ama Galbeedka Cumar Xaashi Building ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka