Baahin Qandaraas: 26 May 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadaha ka shaqeeya hawlaha biyaha ee iibiya qalabka biyaha in Guddida Qandaraasyada Qaranku uu baahinayo Qalab Biyood oo loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

Qalab Biyood oo loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Biyaha:

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 26 May 2019, Maalin Axada ah, kuna eegyahay 29 May 2019 Maalin Arbacaa.

Waxaana la furi doonaa Qandaraaska Qalabka Biyaha ee loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Biyaha, 30 May 2019 Maalinta khamiista ah Saacadu markay tahay 10:00am, waxaana lagu furi doonaa Qandaraaska Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaraka, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Qalab Biyood oo loo doonayo Wasaaradda Horumarinta Biyaha

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka