Baahin Qandaraas: 30 June 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ganacsata Gaadiidka iibisa iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan gawaadhi loo doonayo dawladda oo faah-faahintiisuna hoos ku qoran tahay.

S/N S/No Nooca Gaadhiga loo doonayo Dawladda Faah-faahinta Gaadhiga
1 Toyota L/Cruiser VX (1) Automatic (2). Model 1994 (3). Engine 1HD
2 Toyota L/Cruiser Box (1).Engine 1HD
3 Nissan Condor UD (1).6 Tan Xamuul ah
4 Nissan Condor UD (1).6 Tan Iskorogo a

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 30 June 2019, Maalin Axad ah, kuna eegyahay 03 July 2019 Maalin Arbaca.

Waxaana la furi doonaa qandaraaska Baabuurta isla 03 July 2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Arbacada ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka