BAAHIN QANDARAAS DHISME:

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha in Guddida Qandaraasyada Qaranku uu baahinayo dhismaha Xarunta Hayadda U diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh in qandaraaskan kor kuxusan lafuraayo 14 March 2019 isla markaana xidhmaayo 19 March2019 maalinta Salaasada ah saacadu markay tahay 12:00am, waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismaha xarunta Hayadda U diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, 20 March 2019, Maalinta Arbacada ah Saacadu markay tahay 9:00am, waxaana lagu furi doonaa Qandaraaska Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaraka, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismahaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka