Baahin Qandaraas Gaadiid: 14 April 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ganacsata Gaadiidka iibisa iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan gaadiid loo doonayo dawladda oo faah-faahintooduna hoos ku qoran tahay.

S/N Nooca Gaadiidka loo doonayo Dawladda Faah-faahinta Nooca Gaadhiga
1 Toyota Land Cruiser V8 Midabka Cadaan, Manual
2 Toyota Prado Modelka 2016, Midabka Cadaan ama Silver, Automatic.
3 Suzuki

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 14 April 2019, Maalin Axad ah, kuna eegyahay 16 April 2019 Maalin Salaasa.
waxaana la furi doonaa qandaraaska Saddexda Baabuur 17/04/2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Arbacada ah, waxaana lagu furi doonaa Qandaraaska Saddexda Baabuur Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka