Baahin Qandaraas Gaadiid 21 July 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ganacsata Gaadiidka iibisa iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan gaadhi loo doonayo dawladda oo faah-faahintiisuna hoos ku qoran tahay.

S/N Nooca Gaadiidka loo doonayo Dawladda Faah-faahinta Gaadiidka
1 Toyota L/Cruiser VX (1) Automatic (2). Model 1994 (3). Engine 1HD (4) Color Cadaan
2 Toyota L/Cruiser VX (1) Automatic (2). Model 1994 (3). Engine 1HD
3 Toyota Coaster (1)kuraasta Sodonle
4 Toyota Coaster (1)kuraasta Sodonle
5 Toyota Mini Bus Haice (1)mini Bus Hiace
6 Nissan Condor UD (1).6 Tan Xamuul ah
7 Nissan Condor UD (1).6 Tan Iskorogo ah

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu qandaraaska Baabuurtu uu furmaayo 22/07/2019 Maalin Isniina, islamarkaana uu xidhmayo 25/07/2019 Maalinta khamiista ah saacadu markay tahay 10:00 Am, waxaana la furi doonaa qandaraaska Baabuurta 27/07/2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Sabtida ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka