Baahin Qandaraas Timir Dawladda loo doonaayo: 25 March 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay Ganacsata soo dejisa Timirta ama iibisa iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan Timir loo doonayo Dawladda.

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 25 March 2019, Maalin Isniin ah, kuna eegyahay 06 April 2019 Maalin Sabti ah Saacadu markay tahay 10:00am.

waxaana la furi doonaa qandaraaska Timirta 07 April 2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Axada ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Timirta hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437 / 0634697722.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka