Baahin Qandaraaska: Hubinta Bad-qabka Baabuurta Dadwaynaha (Annual Vehicle Inspections). 11 March 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay Ganacsatada Geerashyada Gobolada Dalka Somaliland iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan, Qandaraaska Hubinta Sanadlaha ah ee Bad-qabka Baabuurta Dadwaynaha (Annual Vehicle Inspections).

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh in qandaraaskan kor kuxusan lafuraayo 11 March 2019 isla markaana xidhmaayo 28 March 2019 Maalinta Khamis ah saacadu markay tahay 10:00am, waxaana la furi doonaa qandaraaska Bad-qabka Baabuurta Dadwaynaha 31/03/2019 Sacada 9:00am subaxnimo maalinta Axada ah, goobta lagu furaayo Qandaraaskan waa Gobolka Awdal Magaalo Madaxdiisa Boorama.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska bad-qabka Baabuurta Dadwaynaha hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga ndaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka