Baahin Qandaraasyo Kaladuwan 07 July 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo Ganacsatada Gaadiidka iibisa iyo Cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan dhismayaal kala duwan oo loo dhisayo Dawladda iyo Gaadiid kala duwan oo loo doonayo Dawladda.

S/N Nooca Dhismaha iyo Gaadiidka Faah-faahinta Dhismaha iyo Gaadiidka
1 Dhismaha Waadhka Dhimirka Dumarka Dayactir iyo dhisme cusub
2 Dhismaha Hoolka Lawya Caddo Dhisme Cusub
3 Dhismaha Guriga shaqaalaha Customka Saylac Dhisme Cusub
4 Dhismaha Hangarka Caasho Caddo Dhisme Cusub
5 Dhismaha Guriga Shaqaalaha Customka Abaarso Dhisme Cusub
6 Dhismaha Xafiisyo W/H Maaliyadda ee Laas-Caanood Dhisme Cusub
7 Dhismayaal lagu kordhinayo Laas-Geel & Dhagax Guure Dhisme Cusub
8 Dhisme & Dayactir lagu kordhinayo Xarunta W/H/Cafimaadka Dayactir & Dhisme Cusub
9 Toyota L/Cruiser (1)Model 1994 (2) Color Cadaan (3)Automatic
10 Toyota Noah (1)Model 2001 (2) Color Cadaan (3)Automatic

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaska dhismayaasha iyo Baabuurtuba uu xidhmayo 16/07/2019 maalinta Salaasada ah saacadu markay tahay 12:00Am, waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismayaasha kala duwan iyo Baabuurtuba, 17/07/2019, Maalinta Arbacada ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Hoolka Shaqaalaha Dawladda, isla maalintaasina dhici doono kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismayaashaas kala duwan iyo Baabuurtaba hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka madaxtooyada dabadeeda ama bariga Emperial hotel ama soo garaac Telphonadka ah 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka