Baahin Qandaraasyo Kaladuwan 09 June 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana Ganacsata Gaadiidka iibisa iyo dhamaan shirkadlayda dhismayaasha Reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, Ganacsatada Iibisa Qalabka Xakamaynta Dabka iyo Mashiinada iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan Mashaariicdaas kala duwan ee loo doonayo dawladda oo faah-faah-faahintoduna hoos ku qoran tahay.

S/N Nooca Gaadhiga, Qalabka iyo dhismaha loo doonayo Dawladda Faah-faahinta Qandaraasyada
1 Dhismaha iyo Dayactirka Garoonka Kubada cagta Alamsy Stadium ee Magaalada Burco Dhisme iyo Dayactir
2 Toyota L/Cruiser VX 1, Model 1994, 2.Nooca Mashiinka 1HD, 3. Color Silver ama White, 4. Manual.
3 Toyota MarkII (110) 1. Model 2004, 2. Color Silver ama White
4 Toyota Noah 1. Model 2001, 2.Color Silver ama White, 3. Engine 1G
5 Suzuki 1. Model 2008, 2. Engine 4Poston, 3. Color White
6 Qalabka Xakamaynta Dabka 1.Fire Suppression
7 Mashiin Laydh 1. Nooca mashiinka Genset perkin Silencer, 2. Xadiga dabka (48 KVN ama 60 KW)

Sidookale waxaa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu Qandaraaskani furmaayo 09 June 2019, Maalin Axad ah, kuna eegyahay 13 June 2019 Maalin Khamiisa.
Waxaana la furi doonaa qandaraaska Mashaariicdan Kor kuxusan 15/06/2019 10:00 AM subaxnimo maalinta Sabtida ah, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla maalintaasina ay dhici doonto kala xulida iyo kala saarista tartamayaasha.

Haddaba, Cidii danaynaysa Qandaraaska Gaadhigaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788 ama 0634400437.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee G.Q.Qaranka