Baahin Xaraashka Baabuur Iskaraab ah iyo Qalab Duugoobay: 02 September 2019

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ay usoo bandhigayaan dhamaan dadwaynaha iyo cidii kale ee danaynaysa in la Xaraashayo Baabuurtaa iskaraab ah iyo qalab duugoobay oo yaala Berbera (Xeradii hore ee MT-da).

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh inuu furmaayo Baahinta Qandaraaskan kor kuxusan 01/09/2019 isla markaana uu xidhmayo 03/09/2019 Maalinta Salaasada ah saacadu markay tahay 10:00am, sidookale Waxa lala socodsiinayaa dhamaan dadwaynaha sharafta leh iyo Cidii kale ee danaynaysa in Xaraashka Baabuurta Iskaraabka ah iyo Qalab Duugoobay ee yaala Berbera Goobta xeradii hore ee MT-da ee uu xidhmayo 09/09/2019, maalinta Isniinta ah saacadu markay tahay 12:00Am, waxaana la furi doonaa Xaraashka Baabuurta Iskaraabka ah iyo Qalabka Duugoobay, 10/09/2019, Maalinta Salaasada ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyadda Qaranka

Haddaba, Cidii danaynaysa xaraashka Baabuurtaas iyo Qalab duugoobay hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala shacabka Agagaarka Emperial ama soo garaac Tellka: 0634471788/0634400437

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle)
Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka