Furitaanka Hal Mashruuc
Hargeysa[17-09-2025] waxay Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ay fureen Hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.Mashruucaas oo ahaa Qandaraas dhisme cusub oo noqonaya xarun shaybaadh kaas oo hay'ada dhawrista Tayada looga dhisayo magalada berbera, waxaa laga maalgelinayaa Miisaaniyadda Qaranka ee JSL Ee 2025.
Mashruucaas waxaa ku soo tartamay 32 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud ee G Q Q , Agaasimaha Guud ee hay'ada dhawrista Tayada oo ka socday hay'ada mashruuca loo fulinayo, Iyo Masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruuca dhismaha xarunta shaybaadhka islamarkaana u rajeeyey guul.
Agaasimaha Guud ee G Q Q mudane Abdirahman boodhle ayaa sidoo kale shirkadaha u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucaas lagu dhawaaqi doonno maalinta Isniinta September, 22, 2025.
Allaa Mahad Leh,
--
Warbaahinta Xafiiska GQQ