Agaasimaha Cusub Ee Gudidda Qandaraasyada qaranka oo xilkii la wareegay

Maanta oo bishu tahay 15/12/2021, waxa xarunta guud ee Guddida Qandaraasyadda Qaranka xilkii kula kala wareegay Kusimaha-agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka marwo Rooda Cabdi Xassan Iyo Agaasimaha Guud ee cusub Mudane Cabdiraxmaan X. Ismaaciil Ibraahim. Waxa xilka u kala wareejiyey labada masuul Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed iyo Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga Mudane Dayib Aadan X. Cali.
Xil wareejintan, waxa iya na goob joog ka ahaa Xubnaha G .Q.Qaranka iyo Aggaasime waaxeeddada G.Q.Qaranka.