Ujeedo: Baahin Qandaraas dhisme

Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo maraysa Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxay si kalsooni leh ugu baahinaysaa dhamaan qandaraaslayasha u qalma inay so xereeyaan qandaraaska Dhismaha xabsiga Degmada Oodwayne ee Gobolka Daadmadheedh, mashruucani wuxu qayb ka yahay mashaariicdii uu dhowaan dhagax dhigay Madaxweynaha JSL, xabsigaas oo ka qayb qaadan doona horumarka iyo xasiloonioda amniga degmada Oodwayne.

Mashruucu wuxu ku saabsan yahay dhismaha xabsiga degmada Oodwayne, shaqada waxa lagu fulinayaa si waafaqsan shuruucda u degsan dhismaha sida nashqada iyo qiimaynta mashruuca iyo shuruucaha farsamo ee kale.