Furitaanka Hal Mashruuc

Hargeysa [30-Sept-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Mashruucaas oo ahaa qandaraaska dhismaha xabsiga Degmada Oodwayne.
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 20 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud ee G Q Q iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruuca dhismaha Xabsiga Degmada Oodwayne sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta sabtida Octobar, 04, 2025.
Allaa Mahad Leh,
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka