Furitaanka Hal Mashruuc

Hargeysa [04-Oct-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka. Mashruucaas oo ahaa qalab loo iibinayo wasaarada kalluumaysiga iyo Dayactirka qaboojiyayaasha wasaarada kalluumaysiga JSL. Mashruucan waxaa ku soo tartamay 5 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, iyo Agaasimaha Guud ee G Q Q.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruucan sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta Salaasada Octobar, 07, 2025.


Allaa Mahad Leh,
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka