Furitaanka Hal Mashruuc

Hargeysa [11-Oct-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka. Mashruucaas oo ahaa xaraash qalab Duugoobay (iskaraab).
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 15 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan waxa ka soo qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, iyo Agaasimaha Guud ee G Q Q.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Ibrahim Ducale Cawke ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruucan sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta isniinta Octobar, 13, 2025.


Allaa Mahad Leh,
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka