Furitaanka Hal Mashruuc

Hargeysa [15-Oct-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Mashruucaas oo ahaa Qandaraaska sawirada (satellite imaginary).
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 6 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud ee G Q Q iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Ibrahim Ducale Cawke ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay qandaraaska sawirada sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta sabtida October, 18, 2025.
Allaa Mahad Leh,
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka