Furitaanka Hal Mashruuc

Hargeysa [08-Nov-2025] Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ayaa maanta furay hal mashruuc oo in muddo ah baahintiisu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Mashruucaas oo ahaa Qandaraas Gaadiid loo doonayo Dawlada.
Mashruucan waxaa ku soo tartamay 19 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, iyo Agaasimaha Guud ee G Q Q.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane cabdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkadaha ku soo tartamay Mashruucan. sido kale u sheegay in go’aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta isniinta 10-Nov-2025.
Allaa Mahad Leh,
--
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka