Furitaanka Laba Mashruuc, Waxa maanta ay oo ay bishu tahay October 12, 2022, Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ay fureen laba mashruuc oo in muddo ah baahintoodu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee

Furitaanka Laba Mashruuc,
Waxa maanta ay oo ay bishu tahay October 12, 2022, Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ay fureen laba mashruuc oo in muddo ah baahintoodu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Labadan Mashruuc oo kala ahaa; Dhismaha Xafiiska Maaliyadda Ee Maxakamadda Degmada Hargeysa iyo Dhismaha Maxakamadda Degmada Dila. Labadan Mashruuc waxaa laga maalgelinayaa Miisaaniyadda Qaranka ee JSL Ee 2022. Labadan Mashruuc waxaa ku soo tartamay 33 shirkadood.
Furitaanka labada Mashruuc oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Guddoomiye kuxigeenka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud, masuuliyiin ka kala socday Maxakamadda Sare ee JSL iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay labada mashruuc, islamarkaanna u rajeeyey guul. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shirkadaha u sheegay in go’aanka lagu dhawaaqi doonno Sabtida October 15, 2022.
Allaa Mahad Leh,
--
Warbaahinta Xafiiska GQQ