Furitaanka Qandaraasayada

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14kii November 2021, waxay Guddida Qandaraasyada Qaranka oo uu shir Guddoominayo Guddoomiyaha GQQ
Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed, islamarkaana ay wehelinayeen xubnaha GQQ iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Jsl uu furay, go'aankiisa na ku dhawaaqay Qandaraaskii Mishiinka Baraf-dhaliyaha ah ee loo doonayay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

Qiimaha Qalabkan waxa Dawladdu Ku doonaysay 500.000.000 SL Shillings, waxaa na laga maalgelinayaa Cashuurta Dadweynaha.

Qandaraaskan waxa ku soo tartamay Saddex shirkadood oo kala ahaa:

1. Horn of Africa
2. Alico Company
3 Kangaroo Procurement and logistics.

Muddadii loo cayimay furidda qandaraaskan waxa soo xaadiray labada shirkaddood ee kala ah:

1. Horn of Africa
2 Alico Company

Qiimayn qoto dheer kadib, waxaa tartankii guushu ku raacday shirkadda Horn of Africa Company.

Goobta go’aanka waxaa ku sugnaa qaybo ka mid ah saxaafadda, waxaa na la hadlay shirkadihii tartamayay iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jsl.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha Gudidda Qandaraasyada Qaranku, waxa uu kula dardaarmay Maamulka shirkadda ku guulaysatay qandaraaska inay si hufan oo dhawrsan uga soo baxdo hawsha loo igmaday iibkeeda.