Go'aan Mashruuc


Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Abdoo Axmed Aayir, ayaa maanta oo ay bishu tahay September 22, 2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Arbaca, September 17, 2025. Mashruucan waxa uu ahaa:

⇒ Dhismaha Xarunta Shaybaadhka Berbera ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Mashruucan waxa ku tartamay 32 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 7 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta ee Qiimeynta Mashaariicda Dhismaha, waxa ku guulaysatay:

1. Shirkadda Dhismaha ee LAND CONSTRUCTION


Allaa Mahad Leh

Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka