Go'aan Mashruuc

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane IbrahimDucaleCawke, ayaa maanta oo ay bishu tahay October 13, 2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Sabtida, October 11, 2025. Mashruucan waxa uu ahaa:
⇒ Xaraash Qalab Duugoobay (iskaraab).
Mashruucan waxa ku tartamay 15 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 5 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta waxa ku guulaysatay:
1. Ifraax Cabdi Cawil

Alla Mahad leh
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka