Go'aan Mashruuca Dhismaha xabsiga Degmada Oodwayne

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Abdoo Axmed Aayir, ayaa maanta oo ay bishu tahay October 04, 2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Salasada, September 30, 2025. Mashruucan waxa uu ahaa, Dhismaha xabsiga Degmada Oodwayne. Mashruucan waxa ku tartamay 20 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 5 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta ee Qiimeynta Mashaariicda Dhismaha, waxa ku guulaysatay Shirkada Daryeel Construction Company.


Alla Mahad Leh

Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka