Go'aanka mashruuca iibka qalabka iyo Dayactirka qabookiyayaasha wasaarada kalluumaysiga
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Abdoo Axmed Aayir, ayaa maanta oo ay bishu tahay October 07, 2025, ku dhawaaqay go’aanka mashruuc furitaankiisu ahaa maalintii Sabtida, October 04, 2025. Mashruucan waxa uu ahaa:⇒ qalab loo iibinayo wasaarada kalluumaysiga iyo Dayactirka qaboojiyayaasha wasaarada kalluumaysiga
Mashruucan waxa ku tartamay 3 shirkadood, waxaana short list isugu soo hadhay 2 shirkadood. Ugu dambayntiina, qiimeynta oo loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta ee Qiimeynta Mashaariicda iibka qalabka, waxa ku guulaysatay Shirkada:
????. Nasri Aid development
Alla Mahad Leh
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta
Guddida Qandaraasyada Qaranka