Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay go’aanka Qandaraas qiimo-sheega oo ay ku soo tartameen saddex Bakhaar oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay go’aanka Qandaraas qiimo-sheega oo ay ku soo tartameen saddex Bakhaar oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Qandaraaskan oo ah Raashinka Xarunta Dhaqan Celinta ee Maxamed Mooge, ayaa Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ku dhawaaqay in uu ku guulaystay Bakhaarka magaciisu yahay Buubaal Store oo Hargeysa ku yaal.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Xubnaha Guddida, Guddoomiye Kuxigeenka iyo shirkadihii ku soo tartamay Qandaraaska.
Allaa Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka