Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta furay kuna dhawaaqay go’aanka qandaraaska Iibka Alaabta Xafiisyada oo loo doonayay Xafiiska Cusub ee Wasaaradda Horrumarinta Maaliyadda ee gobolka Togdheer.
Qandaraaskan oo ay soo xaraysteen 8 shirkadood waxaa ka soo qayb galay 6 shirkadood.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa u mahadnaqay shirkadaha soo tartamay, islamarkaana kula dardaarmay shirkada guulaysatay in ay shaqada u qabato sida cad codsiyada ay soo gudbisay.
Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay go’aanka Qandaraaska oo ay ku guulaysatay Shirkadda Orange Company.
Allaa Mahad Leh

Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka