Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanka tartamayaasha 4 Mashruuc oo la furay 5 March 2022.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed oo ay wehelinayaan Guddoomiye kuxigeenka, Agaasimaha Guud iyo Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanka tartamayaasha 4 Mashruuc oo la furay 5 March 2022.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyay mashaariicda lagu soo tartamayay, waxuuna tilmaamay in saddex ka mid ah mashaariicda go’aankooda la gu dhawaaqayo ay maalgelinayaan Midowgaa Yurub iyo Sweden. Mashaariicdan Dhismaha oo qayb ka ah Mashruuca Joint Rule of Law oo ay wada fulinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska UNDP ee Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxuu mahadnaqay Xafiiska UNDP iyo madaxdiisaba kalsoonida ay u muujiyeen shuruucda dalka iyo hannaanka Qandaraas Bixinta ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale u mahadnaqay dhammaan wasaaradihii iyo hay’adihii dawliga ahaa ee ka qaybqaatay habsami-u-socodka iyo Dardargelinta Mashaariicdan horrumarineed oo ay ugu horrayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Hawlaha Guud, Ciidanka Booliskaa JSL, Maxakamadda Sare iyo Xeer Illaaalinta Qaranka.
Guddoomiyuhu waxaa uu sidoo kale u mahadnaqay tartamayaasha kala duwan ee soo xareystay mashaariicda iyo Xubnaha ka socday Xafiisyada Qaranka ee ka faa’idasanaya mashaariicda.
Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay natiijada tartanka oo ah sida hoos ku qoran:
1. Mashruuca Dhismaha Library Maxakamadda Sare waxaa ku guulaystay Shirkadda Future Construction Company.
2. Mashruuca Dhismaha Xeer Illaalinta Gabiley waxaa ku guulaystay Shirkadda Kaalmo Construction Company.
3. Mashruuca Dhismaha Maxakamadda Degmada iyo Rafcaanka ee Burco waxaa ku guuleysatay Shirkadda Togyovo Construction.
4. Timirta Ciidamada Qaranka JSL waxaa ku guuleysatay Shirkadda Horseed Trading.
Alla Mahad Leh
----------
Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL.