Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta kulan ku saabsan daadejinta qandaraas bixinta qaranka ee Dawladdaha Hoose ee dalka la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Agaasimaha

Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta kulan ku saabsan daadejinta qandaraas bixinta qaranka ee Dawladdaha Hoose ee dalka la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha warbixin ka siiyay qorshaha iyo habraaca daadejinta Qandaraasyada ee la xidhiidha Dawladdaha Hoose ee dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay Wasaarad ahaan uga go’antahay hirgelinta xeerarka dalka iyo Horumarinta Dawladdaha Hoose ee dalka sii ba arrimaha la xidhiidha maamul wanaaga.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday guul, waxaanna loo balamay kulamo kale oo lagu sii dardargelinayo shaqada.

Xafiiska Warbaahinta