Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 October 2022 ku dhawaaqay go’aanka labada mashruuc dhisme ee ay Guddidu

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 October 2022 ku dhawaaqay go’aanka labada mashruuc dhisme ee ay Guddidu Qandaraasyadu fureen 12 October 2022. Labada mashruuc oo kala ah: dhismaha Xafiiska Maaliyadda ee Maxakamadda Degmada Hargeysa iyo dhismaha Maxakamadda Degmada Dilla. Mashruuca Dhismaha Xafiiska Maaliyadda Ee Maxakamadda Hargeysa ayaa waxaa ku guulaystay Shirkadda Al-Sharaf Construction Company. Halka Dhismaha Maxakamada Degmadda Dilla ay ku guulaysatay shirkadda Eastern Construction Company. Guddoomiyaha ayaa shirkaddaha kula hambalyeeyey islamarkaana kula dardaarmay in ay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee maanta ay masuuliyadooda qaadeen. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey shirkaddaha in ay dabagal ku sameyn doonnaan mashaariicddan iyo kuwa kale ee bixiyeen ba. Waxaa iyana goobta ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka Guddida, qaar ka mid ah shirkadihii guulaystay iyo Saraakiil ka socota Wasaaradda Maaliyadda iyo Maxakamadda Sare ee JSL. -- Xafiiska Warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka