Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo wafti heer qaran iyo heer gobol ah oo hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay dhagaxdhiga Ceel Biyood ay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu ka hirgelinayso

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo wafti heer qaran iyo heer gobol ah oo hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay dhagaxdhiga Ceel Biyood ay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu ka hirgelinayso Tuulada Ina Afmadoobe ee Degmada Qoryaale.
Deegaankan oo ay Wasaaraddu ka dhammeystirtay sahamintii biyaha, ka na mid ah deegaanada ugu baaladhan ee gobolka ayaa maanta Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu ka hirgelisay Ceel biyood wax badan ka tari doonna baahida Biyaha ka na faaidaysan doonnaan deegaano aad u badan oo jiida.
Xukuumadda uu Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka yahay gadhwadeenka waxa ay labadii sano ee u danbeeyey ay dalka ka hirgelisay dedaalo lagaga faaidaysanayo biyaha cirka iyo kuwa dhulka hoostiisa ah kuwaas oo jawaab u ah abaarta soo noqnoqotay ee aynnu la tacaaleyno qaran ahaan.
Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo dedaaladaas qaran hormuud u ah waxa ay hirgelisay sannadkii u danbeeyey dhaamam iyo ceel biyeedyo farabadan oo dad iyo xoolo ba lagu oon baxay.
Alla Mahad Leh

Warbaahinta Xafiiska