Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta oo bishu tahay 13-kii December 2021, ku furay Qandaraasyada 8 mashruuc oo la ga kala fulinayo 5 ka mid ah gobollada dalka hall-ka Hay’adda Shaqaallaha Dawaladda Somaliland. Mashaariicdan, ayaa isku gu jira dhismayaal goobo caafimaad iyo akhris, waxaa na la ga maalgelinayaa miisaaniyadda qaranka.
Ugu horreyn, waxaa ka hadlay goobta, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed, kuna dhawaaqay furitaanka Qandaraasyada. Guddoomiyaha, ayaa sheegay in ay soo xareysteen in ka badan laba boqol (200) oo shirkadood oo ka kala yimi dhammaan gobollada dalka, waxaa nu caddeeyey in tartanka noocan ahi muujinayo kalsoonnida la gu qabo Guddida Qandaraasyada Qaranka; xil gaar ahna uu saarayo Guddida in ay u caddaalad sameyso dhammaan tartamayaasha si waafaqsan hannaanka xulista iyo shuruudaha la ga rabo shirkadaha.
Guddoomiyaha, ayaa ku dheeraaday daah-furnaanta hannaanka kala xulista Qandaraasyadan, waxaa nu u rajeeyey shirkadaha guul iyo in ay ka war dhawraan natiijada Qandaraasyada maalmaha soo socda - haddii alle idmo.
Waxa iyana goobta ka hadlay qaar ka mid ah shirkadaha goob-joogga ahaa oo muujiyay kalsooni iyo niyadsamaan ay ku qabaan Guddida, islamarkaa na rejo wayn ka qabaan in ay ku guulaysan doonnaan mashaariicda ay xareeyeen.




Xafiiska Xidhiidhka iyo Isgaadhsiinta G.Q.Q
Hargeisa Somaliland