Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Madaxa Shaqaalaha ee Machadka CSI iyo Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa la kulmay Hay’adda Qandaraasyada ee dalka Ghana ee Public Procu

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Madaxa Shaqaalaha ee Machadka CSI iyo Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa la kulmay Hay’adda Qandaraasyada ee dalka Ghana ee Public Procurement Authority, Ghana.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Mohamed Abdullahi Guleid ayaa Hay’adda Qandaraasyada Ghana ee Public Procurement Authority (PPA) la wadaagay warbixin ku saabsan Hay’adda Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo shaqooyinka muhiimka ee ay Hay’addu u hayso qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada ayaa ka warbixiyay hannaanka iyo isbedelka horumarineed ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ay rajeynayso in ay ku talaabsato iyo isbedelada socda (ongoing reforms) ee Hay’adda Guddida Qandaraasyada Qaranka. Waxa sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadnaqay Madaxda Hay’adda ee PPA soo dhaweynta diiran ee Madaxda Hay’addaha Somaliland ku qaabileen.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Ghana Frank Mante iyo Madaxda Hay’adda ayaa waftiga uga mahadnaqay shaqada iyo booqashada ay ku soo gaadheen Xafiiska Hay’adda ee Accra. Guddoomiye Frank ayaa ku dheeraaday sida ay Hay’addu u shaqeyso iyo dedaalada horumarineed ee ay ku talaabsadeen illaa 2003dii oo ahayd markii isbedelka lagu sameeyey xeerka ay ku shaqeeyaan.
Labada Guddoomiye ayaa ka wada hadlay, isku na afgartay sidii labada Hay’addood ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhanka daadejinta adeega qandaraas bixinta, digitalization ka qandaraas bixinta iyo kobcinta aqoonta qandaraaska (procurement training and knowledge) ee shaqaalaha iyo Hay’adda Dawladda.

Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka