Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdullahi Guuleed ayaa maanta oo ...

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Maxamed Cabdullahi Guuleed ayaa maanta oo ay bishu tahay 18-kii December 2021, ku dhawaaqay magacyada shirkadaha ku guulaystay 8 Mashruuc oo la furay 13-kii December 2021. Mashaariicdan horrumarineed, oo la ga kala fulinayo gobolada Togdheer, Sool, Sanaag, Maroodijeeh iyo Awdal, waxaa laga maalgelinayaa Miisaaniyadda Qaranka Somaliland.