Gudidda Qandaarsyada Qaranka Somaliland Oo Soo Bandhigay

Go’aanka Mashaariicda;
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa maanta oo ay bishu tahay November 17, 2022, ku dhawaaqay go’aanka afar Mashruuc oo furitaankoodu ahaa maalintii Salaasada November 15, 2022. Mashaariicdan oo kala ahaa sida hoos ku qoran:
⇒ Mashruuca Dhismaha Xafiiska iyo Bakhaarka Kalluumaysiga ee Degmada Maydh
⇒ Mashruuca Biyo-balaadhinta Degmada Ceerigaabo
⇒ Mashruuca Biyo-xidheenka Dabayl-weyne ee Degmada Laasgeel, Dacarbudhuq
⇒ Mashruuca Iibka Qalabka Daabacaada iyo Diiwaangelinta Hantida Dawladda ee ‘’Zepra’’ Printer.
Mashaariicdan oo ay ku soo tartameen 35 shirkadood, waxaa dhammaantood laga maalgelinayaa Miisaaniyadda Qaranka ee 2022. Qiimeynta waxaa loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas Bixinta ee Qiimeynta Mashaariicda Dhismaha iyo Iibka Badeecadooyinka.
Shirkaddaha ku guulaystay Afarta Mashruuc ee kor ku xusan ayaa kala sidantan:
1. Mashruuca Dhismaha Xafiiska iyo Bakhaarka Kalluumaysiga ee Degmada Maydh waxaa ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha ee Shalcow Construction Company.
2. Mashruuca Biyo-balaadhinta Degmada Ceerigaabo waxaa ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha ee Caalami Construction Company.
3. Mashruuca Biyo-xidheenka Dabayl-weyne ee Degmada Laasgeel, Dacarbudhuq waxaa ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha ee Al-Khadar Construction Company.
4. Mashruuca Iibka Qalabka Daabacaada iyo Diiwaangelinta Hantida Dawladda ee ‘’Zepra’’ Printer waxaa ku guulaysatay Qadiimi Stationary.
Allaa Mahad Leh
--