Hashiis saddex geesood ah oo dhex maray....

Waxaa maanta Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha la gu saxeexay heshiis ay wada saxeexeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Guuleed. Waxaa Goobta heshiiska la gu saxeexay goob joog ka ahaa Wasiirro kuxigeeenadda Wasaaraddaa Arrimaha Gudaha iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha. Waxaa sidoo kale iyanna Goobta joogay Xubno ka socda UNDP Xafiiskeedda Hargeysa.
Heshiiskan oo ah dhismaha 8 Saldhig Boolis oo laga kala dhisayo magaalooyinka Boorama, Wajaaale, Ceerigaabo, Baligubadle, Wajaale iyo Hargeysa. Dhismaha Mashruucan waxaa wada fulinayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Qandaraasyadda Qaranka iyo Ciidanka Booliska JSL qaybtiisa Dhismaha.
Dhismaha 8 Saldhig Boolis waxaa la ga maalgelinayaa Mashruuca Joint Rule of Law Programme oo ay wada fulinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo UNDP. Mashruuca waxaa maalgelinaya Midowga Yurub iyo Sweden.